Xaaji Muuse Boqor wuu beeniyay in xiriirka SYL iyo Masar fududeynayo in shuuciyaddu ku fiddo Soomaaliya 1957kii.
Muqdisho (Faallo) — Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League) oo midnimadii kaddib noqday xisbiga ka talinayay dalka 1960-1969, wuxuu leeyahay taariikh ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta wax ka baran karaan gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sanadkii 1947kii Xaaji Maxamed Xuseen ayaa loo doortay inuu noqdi Madaxweynaha SYL. Wuxuu xilka hayay ilaa 1952, markaas oo uu u dhoofay Masar halkaas uu joogay dhowr sano. Sanadkii 1957kii ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha SYL.
Dalalka reer Galbeedku waxay aad uga walaacsanaayeen in Xaaji Maxamed Xuseen ku soo kordhin doono xisbiga siyaasad Galbeed-neceyb ah. Mr Lynch oo ahaa Qunsulkii Guud ee Maraykanka u fadhiyay Muqdisho ayaa 1957kii la kulmay Xaaji Muuse Boqor, oo ahaa Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Dowladdii Gobanimogaarsiinta (Daakhiliya). Mr Lynch wuxuu u sheegay Muuse Boqor inuu jiro welwel in awoodda cusub uu helay Xaaji Maxamed Xuseen ay sababi karto in xubnaha taageersan Masar ay ka awood-bataan xubnaha xisbiga SYL taageersan siyaasadda Galbeedka. “Wasiirku ma qabin walaac la mid ah uu [dibloomsaasiga] Maraykanku qabay” oo wuxuu Muuse Boqor sheegay “in Shuuciyad aysan halis ku ahayn Soomaaliya. Wuxuu qabay in qoraallada noocaas ah si degdeg ah loo keeno dadka ay siinayaan Soomaalida fursad ay ku ogaadaan waxyaabaha ay dadka aan Gaalbeedka ahayn ku dhaataan. Wuxuu intaa ku daray ‘suurtaggalnimada in Itoobiya weerar garddaro ku soo qaaddo Soomaaliya iyo taageerada militari uu Maraykanku siiyo Itoobiya ay abuureen shaki ku saabsan kaalinta Maraykanka ee Geeska Afrika’” ayuu Maxamed Ciise (Trunji) ku qoray buugga Somalia: The Untold History 1941-1969.
Sida Ururkii SYL U Maareeyay Kala-jabkii Xisbiga
Sanadkii 1958kii ayuu Xaaji Maxamed Xuseen asaasay ururkii Greater Somalia League (oo loo yiqiin Gareedka). Waxaa jirta in Muuse Boqor iyo Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud ay mar wadashaqayntoodu xumaatay. Dad la siyaasad ahaa Muuse Boqor ayaa ku biiray ururkii Gareedka, inkastoo tabashooyinka xubnaha cusub ay kala duwanaayeen. Odayaal ay ka mid ahaayeen Xaaji Diiriye Xirsi, Salaad Cabdi Maxamed, Aadan Shire Jaamac (Aadan Low), Xaaji Jaamac Maxamuud, Xaaji Cabdullaahi Shirwa, Xaaji Yuusuf Xaaji Cali, Cismaan Xaaji Xuseen, Cali Xirsi Faarax, Ibraahim Cismaan Ibraahim iyo Sugulle Xaabsey ayaa saxiixay baaq ay kaga hortagayeen in ururka SYL hab beeleed loo kala jebiyo.
“Waqtigan adag oo dadkeennu marayo, annagoo ku hadlayna magaca dalka, magaca dadka, magaca waxa muqaddaska oo na mideeya, magaca fikradahan, waxaannu idinka baryaynaa inaydan noqonin sababta kala qeybinta dadka mideysan ee Soomaaliya idinkoo abuuraya xisbiyo kale, idinkoo samaynaya ururro ku salaysan qabiil. Walaalayaal, waxaannu idinkaga digaynaa inaad ku biirtaan xisbiga cusub ee Greater Somalia League, oo tilmaan qabiil yeeshay, oo hadda loo yaqaanno xisbiga Daarood. Walaalayaal, haddii aannu arrimmaha dhinac qabiil ka eegno, waxaa soo baxasysa inaannu ka helnay dowladdan saamiga ugu weyn. Dhinaca dhaqaalaha haddii la eego, Daarood waa qabiilka keliya gacanta ku haya dhaqaalaha dalka. Run ahaantii, waxaannu is weydiin karnaa, lixda gobol ee Soomaaliya, gobolladee aan ahayn Mudug iyo Majeerteenya ayaa dhaqaale ahaan si fiican u faa’iiday kaddib markii xiriir ganacsiga la leeyahay Cadan la furay? Walaalayaal, waxaannu idinka baryaynaa inaad maskaxda ku haysaan, haddii qof Darood u dhashay uu ahaan lahaa Ra’iisal Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka, ma qaban lahayn wax ka wanaagsan inta ay qabatay dowladda hadda jirta.”
66 sano kaddib markii odayaashu baaqa soo jeediyeen waxaa siyaasaada Soomaaliya aad iskugu maandhaafsan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. 1957kii Xaaji Muuse Boqor wuxuu ka digay waxa Itoobiya damacsanayd si ay uga hortagto in Soomaaliya noqoto dal madaxbannaan. Itoobiya waxay ku tilmaami jirtay xiriirka Soomaaliya iyo Masar u dhexeeya mid lid ku ah danaha Galbeedka. Abiy Ahmed, wuu isku dayay inuu waddadaas maro laakiin wuu ku guuldarraystay oo 7 Sebteemabr 2024 dowladda Maraykanku waxay soo saartay Amar Fulineed (Executive Order) ay ku xustay in xaaladda ka taagan Waqooyiga Itoobiya ay halis ku tahay Geeska Afrika iyo danaha Maraykanka. Taariikhdu way xusi doontaa qof difaaca qaranka Soomaaliya oo meel adag ka istaaga.
© Puntland Post, 2024.
You must be logged in to post a comment.