Taliska Ciidanka PSF oo digniin ka soo saaray xiisad ka taagan magaalada Boosaaso

Taliska Ciidanka PSF ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xiisad maalmahan ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayay ku sheegeen in loo diiday isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso cid kasta oo ka socota ama ku socota PSF.

Taliska Ciidanka PSF ayaa tilmaamay in mudda saddex sano ah garoonka diyaaradaha Boosaaso laga dhigay xero ciidan oo cid gaar ah u xiran islamarkaana laga hor istaagay in ay adeegsadaan ciidamada PSF.

“Garoonka diyaaradaha Boosaaso ma ahaan doono goob cid gaar ah u xiran oo PSF laga hortaagan yahay in ay garoon ahaan u isticmaalaan shacabku haka fogaadaan ilaa garoonku noqonayo meel loo siman yahay” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Ciidanka PSF ayaa sidoo kale uga digay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa lagu soo celinayo gacantii hore uuna noqonayo meel loo siman yahay.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST