Maamulaha shirkadda Amal Bank ee magaalada Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere) oo saaka laga af-duubtay Qardho ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga sii daayo kooxdii qafaashay.
Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolkaasi oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in dib xoriyadiisa loo siiyo maamulaha Amal-Bank Qardho Yuusuf Dheere oo saacado kooban af-duubnaa.
Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay in ay af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso.
Dhinaca kale waxaan weli xorriyaddiisa helin oo ku xiran xarunta PSF Boosaaso Eng. Cabdirashiid Yaasiin oo ahaa xiriiriyaha shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.