Ciidanka PSF oo Boosaaso ku af-duubtay nin kamid ah Qoyska Madaxweyne Deni

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu af-duubtay Eng. Cabdirashiid Yaasiin Nuur Geesood oo kamid ah Qoyska Madaxweyne Deni.

Ciidamo ka tirsan PSF oo sida la sheegay ka gadoodsan xariga suxufi Maxamuud Jamaal Dooxo oo ka tirsan xafiiska Warfaafinta PSF islamarkaana mudda saddex bilood ah Garoowe ku xiran ayaa la sheegay in ay af-duubteen Injineerka.

Wararka ayaa sheegaya in hadda uu xarunta PSF ku af-duuban yahay Eng. Cabdirashiid Yaasiin oo ahaa xiriiriyaha shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dowladda Puntland.

PUNTLAND POST