Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee dalka ka socday

Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Cabasho xooggan ka muujiyay Wada-shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo aysan ku jirin Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya caqabad ku noqotay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socday dalka.

War-murtiyeedka ay soo saareen Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen Cabashadooda ku aaddan caqabadda Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya hor-dhigtay dhammaan Mashaariicdii Caafimaadka ee ka socotay dalka.

Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku eedeeyay in ay awaamiir cad u dirtay Hay’adaha kuwaasi oo ku saabsan in au joojiyaan La-shaqaynta Dowlad Goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST