Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhawaq xooggan oo xalay dhawr jeer laga maqlay Muqdisho uu ahaa baco la dhigay gooba kala duwan.
“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan” ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliya.
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah oo intaasi dheer ma bixin balse wuxu sheegay in aan khasaare nafeed ka dhalan bacaha marka laga reebo waxyeello gaartay guryo jiingadood.
” khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la ag dhigay” ayuu sii raaciyay Qoraalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.