PaySii oo aan weli u hoggaansamin amarka dowladda federaalka Soomaaliya

Muqdisho (Wararka PP) — Shirkadda PaySii, oo ay Soomaali badan app-keeda lacag ugu diraan qoysaskooda iyo ehelkooda ku sugan Soomaaliya, ayaa weli diiddan inay u hoggaansanto amar ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya dhowr toddobaad ka hor.

PaySii weli uma hoggaansamin amarka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fartay dhammaan shirkadaha ka hawlgala Soomaaliya inaysan ku kicin tallaabo wax u dhimaysa gobanimada Soomaaliya. Amarka dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa shirkadaha in magaca maamulka Somaliland aan lagu darin taxa magacyada dalalka shirkad ay ka hawlgasho.

Ethiopia Airlines way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya.
FlyDubai way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya.

PaySii, oo xiriir la leh shirkado sida Golis Telecom iyo Hormuud, weli waxay ka cagajiidaysaa inay u hoggaansanto amarka dowladda federaalka Soomaaliya ka soo baxay. Ethiopia Airlines iyo FlyDubai way u hoggsansameen amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Ma cadda tallaabada ay dowladda federaalka ka qaadayso PaySii oo ugu yaraan 90% macaamiisheedu lacago u diraan Koonfurta Soomaaliya.

© Puntland Post, 2024