Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday in uu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Isku day ku aaddan in magaalada Beijing ee dalka Shiinaha lagu kulansiiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa fashil ku dhammaaday sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay weheliyaan madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo ayaa la sheegay in ay ku guul-darraysteen isku daygaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday soojeedinta ku aaddan in lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, si ay uga wada-hadlaan xal u raadinta xiisadda labada dal.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay saxiixa is-afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ayaa ka sii dartay, kadib markii dowladda Soomaaliya heshiis iskaashi millitari la saxiixatay Masar, islamarkaana la sheegay in gudaha Soomaaliya la keenayo ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doona hawlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

PUNTLAND POST