Dowladda Itoobiya oo kumanaan millitari ah ku daabushay xadka Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday in ay kumanaan millitari ah oo gaashaaman ku daabusho xadka Gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida DDS uu la wadaago Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo gaashaaman ayaa ku gurmaya Soohdinta Labadaasi Gobolka gaar ahaanna halka lagu magacaabo Feer Feer oo dhacda Xadka Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeelle oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida DDS.

Dhaq dhaqaaqa millitari ee Itoobiya ayaa imaanaya kadib markii Soomaaliya heshiis millitari la saxiixatay Masar oo ay ku muransan yihiin biyaha webiga Niilka gaar ahaanna biya xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo Xukuumadda Addis ababa ka samaynayso webiga Niilka.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale dhawaan magaalada Muqdisho geysay agab millitari islamarkaana waxay doonaysaa in ay 10 kun oo ciidan ah keento Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasi oo magaciisu yahay AUSSOM.

PUNTLAND POST
.