Xasan Sheekh iyo Josep Borrell oo ka wada-hadlay Ilaalinta Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell.

Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Wada-hadalka Xasan Sheekh iyo Josep Borrell lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo argagixisada, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Villa Somalia.

PUNTLAND POST