
Waxaa maanta magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ka furmaya shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Africa, kaas oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo lixda bishaan September.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa la filayaa in uu isku dayo in madaxda Africa uu ku qanciyo in ay Shiinaha ka iibsadaan oo ay suuq u noqdaan, sida baabuur korontada ku shaqeysa ee Shiinaha, iyo alaabaha kale ee tiknoolojiyadda ee uu Shiinaha soo saaro.
Madaxda dalalka Africa ayaa iyagana laga rajeynayaa in ay shirka la tagaan qorshayaal ay Shiinaha uga dalbanayaan maalgashigiisa Africa iyo in uu iibsado wax soo saarka Qaaradda Africa.
Madaxda Shirkaasi ka qayb galaysa waxa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli ay cirks isku shareertay xiisadda labada dal oo ka dhalatay MOU-gii badda ee dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.