Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in aysan xukun dil toogasho ah ku fulin carruurta ka yar da’da 18-ka sano.
Bayaan rasmi ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo Guddiga Qaramada Midoobey ee xuquuqda carruurta ayay ku soo jeediyeen baaqaasi.
Waxay sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishii la soo dhaafay (August) ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, kaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Bayaanka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan afarta dhalinyarada ah ee la toogtay ay da’doodu ka yareeyd 18 sano markii ay galayeen dembiga lagu helay ee ah in ay ka tirsanaayeen kooxaha hubaysan ee al-shabaab.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa bayaankooda ku sheegay, in mas’uuliyiinta Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo sidoo kale Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada, isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobey si carruurta looga taageero dhaqan celinta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.