Soomaaliya iyo Masar oo dhoolla-tus militari oo wadajir ah ku samaynaya gudaha Soomaaliya

Ciidanka Masar iyo Soomaaliya ayaa dhoolatus militari oo wadajir ah oo ay ka qeybqaadanayaan ciidanka dhulka, badda iyo cirka waxay ku sameyn doonaan gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa ka dhigaysa taariikhda markii koowaad iyo dhoolatus heerkaasi uu ka dhacayo gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Masaari ah.

Lama sheegin taariikhda dhoolatuska uu ka billaabanayo Soomaaliya iyo tirada ciidamada ka qeybgalaya, iyadoo ay ku soo aadayso xilli labada dal ay sare u qaadeen iskaashigooda militari.

Masar ayaa kumannaan askari usoo diri doonta Soomaaliya , kuwaaso saldhigyo ku yaalanaya gudaha dalka tiro qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kumannaan kale oo la sheegay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

Dhoolatuska militari , wuxuu sidoo kale ku soo aadayaa xilli xiisadda Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah iyo Itoobiya ay sare martay.

PUNTLAND POST