
Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku diiday maamuus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo shalay xabsiga la dhigay.
Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Somaliland oo ay soo xaadireen 57 mudane ayay 51 kamid ah diideen xasaanad ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib oo ay dacwad ka soo gudbisay xeer Ilaalinta Somaliland.
Saddex mudane oo keliya ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo xildhibaankaasi halka ay ka aamuseen laba xubnood islamarkaana aanu codayn guddoomiyaha Baarlamaanka oo shir-guddoominayay fadhiga.
Sidoo kale xildhibaannada qaarkood ayaa gacan ka-hadal dhexmaray intii ay socotay doodda ku saabsan xasaanad ka qaadidda xildhibaan Maxamed Abiib oo weli ku xiran xabsiga Mandheere kadib markii shalay laga qabtay Hargeysa.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.