Taliska Booliska Puntland oo shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Burcad-badeed hubaysan

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen rag Burcad-badeed ah oo hub iyo gaadiid badeed watay.

Warbixin lagu daabacay bogga Facebook ee Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxdaasi Burcad-badeeda ah ee watay hubka iyo gaadiidka badeed

“Ciidanka Booliska Puntland ee qaybta Gobolka Raasa’casayr ayaa gacanta ku dhigay rag Burcad badeed ah,hub iyo gaadiid badeed oo ay wateen” ayaa lagu sheegay Warbixinta Booliska.

Hawlgalkaasi oo uu hoggaaminayay Taliyaha Saldhiga degmaada Bareeda Xidigle Maxamed Xasan Ciise ayaa lagu qabtay saddex burcad ah oo watay Saxiimad iyo hub sida uu sheegay Booliska.

Warbixinta Taliska Booliska ayaa intaasi raacisay in uu weli socdo hawlgal lagu baadi-goobayo afar burcad ah oo la socday kuwa la qabtay.

Halkaan ka eeg Sawirada Boolisku shaaciyay

PUNTLAND POST