
Hay’adda Duulista Rayidka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo dal Shisheeye.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aanay suura-gal ahayn in Hawada dalka lagu wareejiyo gacan Shisheeye, taasina aysan ahayn qorshe ay og tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Hay’adda.
Warka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa soo baxay saacado yar kadib markii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka digay in Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo gacan Shisheeye, oo uu ku tilmaamay dalka Imaaraatiga Carbeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.