Taiwan oo laga saaray buugagga dugsiyada sare ee Biritayn

London (Wararka PP) — Hay’adda qaabilsan qiimeynta iyo shahaadooyinka ee dalka Biritayn (Assessment and Qualifications Alliance ‘AQA’) ayaa oggolaatay inay buugagga laga barto afka Mandarin ka saarto magaca Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) oo ay Taiwan isu taqaanno.

Wargeyska Daily Telegraph oo wax ka qoray in magaca Taiwan laga saaray buugagga ay daabacdo shirkadda Dragons Ltd.

Buugagga ay soo saarto shirkadda Dragons Teaching, oo ay ardaydu ka bartaan afka Mandarin, ayay ku qoran yihiin magac siyaasadeedka u ekeysiiya Taiwan dal madaxbannaan.

AQA ayaa oggolaatay in magaca lagu qorayo buugagga ardaydu ka baranayaan afka Mandarin noqdo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha (People’s Republic of China ‘PRC’). Hay’adda AQA, oo oggolaata buugagga lagu saleeyo imtixaannada hay’addu soo diyaariso, waxay ka hortagtay eedeynta inay oggolaatay in xog aan sugnayn loo gudbiyo ardayda barata afka Mandarin.

© Puntland Post, 2024