Puntland: Mileeshiya beeleed weeraray mas’uuliyiin isku dayay in ay doorasho ka qabtan degmada Bursaalax

Mileeshiya beeleed hubaysan ayaa xalay tacshiirad huwiyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugan degmada Bursaalax kadib markii ay isku dayeen in ay qabtaan doorashada maamulka degmadaasi oo khilaaf xooggan ka taagan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta dhacday aysan cidna waxba ku noqon balse ay kala carareen mas’uuliyiintii dowladda ee isku dayay in ay qabtaan doorashada maamulka degmada Bursaalax oo in mudda ah khilaaf ka taagnaa.

Bursaalax oo kamid ahayd 30-kii degmo ee doorashada qof iyo cod laga qabtay 25 May 2023 weli laguma guulaysan in la fadhisiyo xubnaha golaha degaanka si maamul loogu dhiso degmadaasi sababa la xiriira khilaafaad ka taagan.

PUNTLAND POST