
Xamaas ayaa dishay 6 ka mid ah maxaabiista ay hayeen ka hor inta aysan ciidanka Israa’iil gaarin goobtii lagu hayo , sida u sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari.
6 maxbuus ayaa meydadkooda laga soo saaray god ku yaalla Rafah, mid ka mid ah ayaa ah Israa’iili- Mareykan ah.
Warkan markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa goor dhow sheegay inay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo gaari lahaa, si loo badbaadiyo maxaabiista.
Guddiga qoysaska maxaabiista Israa’iil ayaa mas’uuliyada dhimashada maxaabiistan dusha u saaray Netanyahu oo ay ku sheegeen inay arrintan u dhacday diidmadiisa heshiis xabbad-joojin ah.
Ma jiro Xamaas, wali hadal ka soo baxay oo la xiriirka maxaabiista meydadkooda la helay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.