Dowladda Soomaaliya oo awaamiir duldhigtay Maraakiibta isticmaala badda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir cusub ku soo rogtay dhammaan maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka SONNA.

Dhammaan maraakiibta soo galaya biyaha Soomaaliya ayaa lagu amray in ay adeegsadaan oo uu ka babado calanka Soomaaliya sida ku cad qoraal kooban oo laga soo xigtay SONNA.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid xoojinaysa kormeerka iyo maamulidda dhul badeedka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah istiraatiijiyadda u hoggaansanka shuruucda dalka iyo hagaajinta Amniga Qaranka.

Maraakiibta isticmaalaya biyaha Soomaaliya ayaa sidoo kale laggu wargeliyay in ay ogaysiin bixiyaan ka hor inta aysan soo gelin badda Soomaaliya oo ay u hoggaansamaan nidaamka iyo shuruucda dalka.

PUNTLAND POST