Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay hirgelinta Iskaashi xooggan oo dhinaca Amniga iyo difaaca ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Kulankaasi diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

“Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay in sii adkaynta calaaqaadka taariikhiga ah ay tahay mid muhiim u ah labada dal.”

“Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la abuuro iskaashi xooggan oo dhinaca amniga ah, si loo wajaho caqabadaha iyo khataraha guud ee ka jira gobolka, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha khatarta ah sida khawaarijta” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Mudane Xamsa ayaa Masar uga mahadceliyey taageerada ay siiso, gaar ahaan deeqaha waxbarashada oo ay ka faa’iideystaan ardeyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

PUNTLAND POST