
Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milliteri ee ay dowladda Masar u fidisay Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay mid halis ku ah xasiloonida gobolka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayay kaga digtay taageerada milliteri ee dowladda Masar siinayso Soomaaliya taasi oo ay ku micneysay mid khatar ku ah xasiloonida gobolka geeska Afrika.
Somaliland waxay sidoo kale walaac ka muujisay ciidamada Masar ee la sheegay in ay imaanayaan Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Cambaareeyaan tallaabadaasi kana horyimaadaan si aysan halis ugu noqon xasiloonida gobolka.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaaday Masar ay khatar weyn ku tahay amniga Geeska Afrika oo saamaynaya Somaliland sidaasi darteedna aanay daawade ka noqonaynin.
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u wada saxiixday heshiis difaac iyo mid amni waxaana tallaabadaasi ay dhashay in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo afartan sannadood ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.