Jabuuti oo sheegtay in ay deked siinayso Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horraysay soo bandhigtay tallaabo xal u noqon karta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso deked ay maamulato 100% si meesha looga saaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay MOU-gii badda.

Wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo wareysi siiyay BBC News ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Itoobiya in ay siiyaan dekedda Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya

“Waxaanu diyaar u nahay inaanu Itoobiya siino Dekkad ay iyadu maamulato 100% waana dekkada Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya si xal loogu helo khilaafka Soomaliya iyo Itoobiya” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Yuusuf.

PUNTLAND POST