Nin hubaysan ayaa lagu soo warramaya in uu weerar ku qaaday masjid ay ku cibaadaystaan Soomaalida Maraykanka oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota
Masjidka Daarul Al-xikma oo ay ku cibaadaystaan Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ayaa la sheegay in uu habeen ka hor weeraray islamarkaana burbur u geystay nin hubaysan oo aan weli haybtiisa la aqoonsan.
Imaamka masjidka Daarul Al-xikma Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo wareysi kooban bixiyay ayaa laga soo xigtay in shakhsi hubaysan oo wejiga soo qarsaday uu xilli habeen ah weeraray masjidka oo laga maqan yahay islamarkaana burbur iyo dhac u geystay.
Shiikh Maxamed Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in booliska Maraykanka ay ku wargeliyeen weerarkaasi welina boolisku baaritaan ku hayaan dhacdada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.