Madaxweynaha Puntland oo amray in hawlgal hub ka dhigis ah laga sameeyo magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan amar ku bixiyay in hawlgal hub ka dhigis ah laga sameeyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Siciid Deni oo in mudda ah safar ugu maqnaa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii shalay dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo oo uu markii hore ka safray.

Madaxweynaha oo shir aan warbaahinta laga shaacin la yeeshay saraakiisha Amniga Gobolka Mudug ayaa amar ku bixiyay in ay Gaalkacyo ka sameeyaan hawlgal hub ka dhigis si loo xoojiyo Amniga magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in hawlgalkaasi hubka dhigista ah ay diidan yihiin ciidamo beeleedyada kala duwan ee ku sugan magaalada Gaalkacyo islamarkaana lama yaqaan sida uu ku fuli karo go’aanka madaxweynaha.

PUNTLAND POST