Ciidamada Somaliland oo xalay wiil dhalinyaro ah ku dilay magaalada Ceerigaabo

Xiisad colaadeed ayaa weli laga dareemaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xiisadda ayaa ka sii dartay kadib markii xalay halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceerigaabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland geysteen dilka wiilkaasi oo lagu magacaabi jiray Ayuub Boqor Gacma-yare.

Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamada Somaliland oo la sheegay in ay roondo ku jireen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaafadaha Ceerigaabo qaarkood laga bara-kacay kadib markii xiisaddu ka dartay.

PUNTLAND POST