
20 Askari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa diidday in ay dib ugu laabtaan dagaalka marinka Gaza, sababo la xiriira xaaladda ay kala kulmayaan dagaalkaasi.
Maamulka Israa’iil ayaa ku qasbaya in ay dagaalka dib ugu laabtaan maxkamad militari ayaana ku wargelisay in ay wejihi doonaan maxkamad haddii aysan amarka u hoggaansamin oo aysan dagaalka dib ugu laaban.
Si la mid ah qoysaska Israa’iil ayaa hadda u arka in la joogo waqti ay carruurtooda ka caawin lahaayeen inaysan dib dagaalka u gelin , sababtoo ah nidaamka Netanyahu wax dan ah kama leh nolashooda, sidaa waxaa ku warrantay warbaahinta Israa’iil.
Xaaladda ka jirta gudaha marinka Gaza iyo iska caabinta ay la kulmayaan ciidanka Israa’iil ayaa ku dhalisay askarta Israa’iil inay ka fogaadaan gudaha Gaza, qaar ayaa xaaladan isku dilay, kuwa kalana maskax ahaan ayay u xannuusadeen oo sas iyo jahwareer ayaa ku dhacay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.