Axmed Karaash  oo “loollan awoodeed” kula jira Firdhiye

Laascaanood (Warbixin) — Inkastoo  hal sano ay ka soo wareegtay markii Cabdiqaadir Aw Cali  (Firdhiye) loo doortay hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo (SSCK), wuxuu loollan siyaasadeed oo adag kala dhexeeyey Axmed Cilmi (Axmed Karaash), madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland. Axmed Karaash waxaa lagu eedeyey inuu gebi ahaanba ka hor yimid siyaasadda maamulka SSCK uu qaatay ahna in ciidammada maamulku aysan weeraraynin deegaanno beelo kala degaan ama beelaha SSCK la degaan  beelo kale.

Firdhiye
Firdhiye ma fileynin loollan awoodeed kaga yimid Axmed Karaash.


Si cad ayuu Axmed Karaash uga dhawaaqay Buuhoodle  toddobaadkan colaad ka dhan ah Ceerigaabo oo ah degmo beesha Naaleye Axmed ay degto, laguna deggan yahay heshiiskii 1995kii ay ka qeybgaleen marxuum Axmed Maxamed Sakhraan iyo rag kale. Axmed Karaash wuxuu ugu baaqay dadka Buuhoodle inay  la yimaadaan dhaqan uu ku tilmaamay “gacan-fudeyd” ay caan ku yihiin, hadalkaas oo loo qaatay inuu meel kaga dhacay dadka Buuhoodle. Waxaa kale oo loo qaatay in Axmed Karaash ku doodayo in dadka Nugaal deggan aysan doonaynin inay colaad ka aloosaan Ceerigaabo oo  maamulka Somaliland uu ka talinayo tan heshiiskii Ceerigaabo  ee 1995kii.

Axmed Karaash wuxuu ku tiirsan yahay ciidan beeleed ka madaxbannaan maamulka SSCK.


Firdhiye waxaa lagu eedeeyey inuu raalli ka noqday inay madax-dhaqameed siyaasadda ka hadlaan ama weeraran beelo kale, in nin  siyaasi xil maamul kale ka hayay u colaad maamulka SSCK uusan ogeyn ku baaqo. Axmed Karaash waa hoggaamiye haysta ciidan beeled ka madaxbannaan maamulka SSCK, hase ahaatee Firdhiye waa hoggaamiye siyaasadeed aan lahayn ciidan beeled si gaar ah ugu daacad ah isaga. “Axmed Karaash oo og  waxa qabqableyn lagu gaari karo kana faa’iidaysnaya jilicsanaanta hoggaamineeed ee Firdhiye ayaa qaaday tallaabo uu siyaasadda difaaca iyo amniga  si dadban kula wareegay isagoo taageero ka helaya dad badan oo doonaya in Firdhiye ku fashilmo hoggaaminta maamulka curdinka ah” ayuu yidhi xubin hore oo ka tirsanaa guddigii 33  xubnood ka koobnaa jirtay inta aan Firdhiye la dooranin.

Loollanka awoodeed u dhexeeya Firdhiye iyo Karaash wuxuu abuuray cabsi in maamulku uu kala daato. Maamulka SSCK hadda wuxuu ku socdaa yabooha ay qurbejoogtu soo diraan. Haddii ay dhacdo in Firdhiye is casilo way adkaanaysaa in hoggaamiye cusub uu  hore u sii wado maamulka  iyadoo weli loollan awoodeed uu jiro ama aysan jirin wax lagu xakameeyo siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka  gaara  go’ammo ama dhiibta aragtiyo ka soo horjeeda siyaasadda maaamulka SSCK. 

© Puntland Post, 2024.