
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa shaacisay inay joojisay koror dhaqaale oo dhawaan si hoose shirkadda Biyaha Garoowe ee NUWACO ugu kordhisay macaamiisheeda.
Sidoo kale waxaa meesha laga saaray nidaam cusub oo shirkadda Biyaha NUWACO macaamiisheeda dhaqaalaha uga hormarsanayso (Prepaid ) , waana hab lacag intaad hormarsato laguu siideynayo biyaha waxayna kuu joogayaan biyaha intaad lacag ahaanta u dirtsatay.
Sida ku xusan xeerka Biyaha Puntland, dowladda keliya ayaa samayn karta waxka bedelka sicirka/qiimaha biyaha iyo nidaamyadda horumarinta ee biyaha waana xeerka ay soo xigatay Wakaaladda Horumarinta Biyaha.
Waxaa shir isugu imaandoona dhammaan qaybaha ay khusayso arrintani sida Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Shirkadda NUWACO, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmadda Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.