Dowladda Ethiopia oo walaac xooggan ka muujisay dhaq dhaqaaqyada Masar ka waddo Soomaaliya

Dowladda Ethiopia ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika, iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midawga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin, halista ka iman karta, hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasoo ay sheegeen in ay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa sheegtay in baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Ethiopia iyo dalalka ku deeqay ciidamada, inaan si dhab ah loo qaadanin.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay inaanay Ethiopia daawade ka noqonaynin, xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka Waxayna intaas ku dareen, inay si dhow ula soconayaan isbedellada ka socda gobolka ee taabanaya danohooda qaranka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan wararka sheegaya, inay dawladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee noocan ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa isku maandhaafsan heshiiskii ay wada galeen Ethiopia iyo Somaliland ee ku aaddanaa in Ethiopia laga kireeyo marin biyood, sidoo kale Masar iyo Ethiopia ayuu ka dhexeeyaa loollan xooggan oo ku aaddan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Niilka.

PUNTLAND POST