
Taliyaha guud ee ciidanka militariga Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa militariga Morocco.
Shir ay ku yeesheen xarunta difaaca qaranka ee ku taalla magaalada Rabat, waxay labada dhinac dib u xoojiyeen iskaashigooda dhinaca militariga iyo sidii loo ballaarin lahaa. Taliyaha militariga Itoobiya ayaa sidoo kale tagay warshadaha difaaca iyo taliska guud ee ciidanka Morocco.
Boqortooyadda Morocco ayaa mashaariic kala duwan ka fulisa Itoobiya oo ay sidoo kale taageerto hay’adaheeda, mid ka mid ah mashaariicdaa waa warshad bacriminta beeraha oo laga dhisayo Diridhaba, iyadoo mashruucaa uu ku baxayo in ka badan 3.7 bilyan oo dollar. Boqorka Morocco ayaa sidoo kale 2016 booqasho rasmi ah ku tagay Addis Ababa.
Dalalka ku yaalla gobolka Maghreb ee Waqooyiga Afrika ayaa xiriir wanaagsan la leh Itoobiya, iyagoo ku jira jaamacadda Carabta , haddana bilowga xiisadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya dalalkaasi waxay taageereen Itoobiya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.