Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyadda Kenya ka daahfuray ololaha ay Kenya ku raadinayso jagada guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika oo uu u sharraxanyahay Raila Odinga.
Munaasabadda , ayaa waxaa goobjoog u ahaa inta badan hoggaamiyayaasha bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Samia Suluhu (Tanzania), Yoweri Museveni (Uganda), Salva Kiir (South Sudan), iyo Ra’iisul Wasaaraha Burundi, Gervais Ndirakobuca.
Madaxweyne Ruto, ayaa munaasabadda ka sheegay inuu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga soo qaybgalo daahfurka ololaha musharraxnimada jagada guddoomiyaha Midowga Afrika ee Raila Odinga, oo ay taageerreen hoggaamiyayaashii ka qeybgalay munaasabada, balse Madaxweyne Xasan oo casuumada aqbalay ayaa shalay Ruto u sheegay inuusan imaan karin , isagoo raalli gelin bixiyay, sida u sheegay William Ruto.
Soomaaliya oo musharrixii ay u sharraxday jagadan ay isaga hartay tartanta, sababo la xiriira cadaadiska dhinaca hoggaanka Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inay taageerrayso musharraxa Jabuuti oo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf , uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika , iyadoo musharraxnimada Jabuuti la sheegay inay ka dambeysay inay tartanka isaga harto Fowsiyo Yuusuf Xaaji.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.