
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan xalay ka dhacay Gaalkacyo, iyadoo shirkaas ay isugu yimaadeen Xubno ka tirsan Golleyaasha Dawladda oo maalmihii dambe shaqooyin ka waday Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa warbixinno lagaga dhegaystay Guddiyo loo xil saaray Arrimaha Nabadaynta Gobolka Mudug, Biyo saarka Magaalada, Fariisinta Golaha deegaanka ee Degmooyinka Bursaalax & Jarriiban iyo sidoo kale hawlaha Xoojinta Amniga Gobolka.
Shirka waxaa kasoo qayb galay Xildhibanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro kamid ah Golaha Xukuummada iyo la taliyeyaal Madaxweyne, kuwaas oo ka mid ahaa weftigii Dawladda ee Gaalkacayo ku sugnaa.
Ugu dambeyn, shirka waxaa lagu falanqeeyey qorsheyaasha cusub ee ay tahay in la hirgeliyo maalmaha soo socda Gobolka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.