
Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 7 nin oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah.
War kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 7 nin oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah
“Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey 7 nin oo ku Eedaysan iney ay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagaxisada ah” ayaa lagu yiri warkaasi uu soo saaray Booliska.
Waxay intaasi raaciyeen in saddex kamid ah kooxda la qabtay loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Garoowe balse midkood isku dayay in uu iridda xabsiga ku baxsado islamarkaana dhaawac uu soo gaaray.
“Waxa xabsiga dhexe ee Garowe maanta loo qaadey 3 kamid ah kooxdaas,halkaas waxaa marki la gaayey Iridda xabsiga isku dayey in uu baxsado mid kamid ah 3daas waxaana so gaarey dhaawac” ayuu sii raaciyay qoraalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.