Muqdisho: Qaraxyo culus oo lagu burburiyay suuqyadii ganacsi ee Ceelasha Biyaha

Wararka ka imaamaya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu weeraray qaraxyo xooggan.

Suuqyo waaweyn oo ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ayaa xalay lagu weeraray qaraxyo culus waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo gaaray goobaha ganacsi ee suuqyadaasi ku yaallay sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan degaanka Ceelasha Biyaha.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lagu burburiyay xarumaha SAFA iyo MARWO oo ah suuqyada ganacsi ee ugu waaweyn degaanka Ceelasha Biyaha islamarkaana uu dab xooggan qabsaday xarumahaasi ganacsi.

Ganacsatada goobahooda ganacsi lagu burburiyay qaraxyada ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab ay toos u beegsatay ganacsigooda kadib markii ay u hoggaan sameen amar kasoo baxay dowladda oo ahaa in Caamirooyinka qarsoon ee CC TV ku xiraan goobahooda ganacsi.

PUNTLAND POST