Israa’iil oo saaka weerar culus ku qaaday kooxda Xisbullaahi ee Lubnaan

Israa’iil aya aroornimadii hore ee saaka garaacday inta badan saldhigyadii ay kooxda Lubnaan ee Xisbullaahi ku diyaarinaysay weerarro ka dhan ah Yahuudda, waxaana si xoogan uga caawiyey Mareykanka, oo xogta, hubka iyo howlgalka deg deg ahba taageeray.

Dhinaca Lubnaan, waxaa laga soo riday 300 diyaarad drone iyo Gantaal ah, balse Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in laga hortagay dhammaan, 700-na oo madfacna lagu burburiyey dhulka Lubnaan inta aan la soo ridin.

Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay jawaabta dhinaca Lubnaan ee halista ahayd ka hortageen, meeshana laga saaray hadda, feejignaana ay jirto.

Mareykanka ayaa sheegay in cid kasta oo xagga Israa’iil isku dayda weerar ay beegsan doonan, iyadoo hanjabaadan ay ku socoto dhinaca Iiraan, oo xalay sii sheegtay in ay jawaabi doonto.

PUNTLAND POST