
Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan dilka xaaskiisii Luus Cabdicasiis ayaa maanta oo Sabti ka soo muuqday maxkamadda sare ee Soomaaliya oo uu ku yimid racfaan qaadashadiisii ugu dambaysay ee heerarka maxkamadda.
Sayid Cali, ayaa horay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir iyo midda racfaanka ee isla Banaadir ay ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii ay ku heleen sida ay sheegeen caddaymo marag muujin leh oo tilmaamaya gubista xaaskiisa.
Fadhiga maanta oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Maxkamadda Sare ka yeelato kiiskaasi, waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Axmed Yuusuf. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha.
Kiiskan oo soo jiitamayey muddo dheer ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan go’aanka kama dambeysta ah ee Maxkamadda Sare oo la filayo in dhawaan la soo saaro. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Dharkenley, waxayna tahay mid ay dad badan aad uga xumaadeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.