
Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay saaka oo Sabti ah ka qabsoonto doorashada duqa cusub ee degmadaasi.
Xildhibaannada golaha degaanka degmada Xarfo ayaa iska dhex dooran doona duqa cusub ee degmada, kaddib markii ay xilka qaadis ku sameeyeen duqii hore.
Dhowr musharax ayaa ku loollamaya doorashada guddoomiyaha degmada Xarfo, waxaana loollanka laga dhigay sanduukh furan oo lagu tartamayo.
Caabdiraxmaan Xirsi Faarax oo kamid ahaa xisbiga KAAH, qeybna ka ahaa maamulka Xarfo ilaa intii ay ahayd degmada ayaa ugu cad cad tartamayaasha doorashada saaka
Xarfo ayaa noqon doonta degmadii ugu horraysay ee qeybta ka ah 30 degmo ee doorashada qof iyo codka ah ka dhacday, taasi oo xilka qaadis lagu sameeyay duqii loo doortay.
Duqii hore oo ay xilka ka qaadeen xubnaha golaha degaanka Xarfo ayaa ku yimid heshiis siyaasadeed oo dhexmaray xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.