Maamulka SSC-khaatumo ayaa si adag u cambaareeyay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tegey degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.
War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka SSC-khaatumo ayaa ku tilmaamay Safarka Muuse Biixi ee Gobolka Sanaag mid colaad abuur iyo daandaansi ah islamarkaama uu degaannadaasi colaad kaga hurinayo.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maamulka SSC-khaatumo uu si buuxda ula socdo dhaq dhaqaaq kasta oo uu sameeyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uuna heegan u yahay difaaca iyo sugidda Amniga Shacabka SSC.
Maamulka SSC-khaatumka ayaa ugu danbayn la socod siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in dagaal iyo colaad cusub oo ka dhacda degaannadaasi ay reebi doonto cawaaqib xumo aan la mahadin oo uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Muuse Biixi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.