Hay’adda UNICEF oo ka hortimid xukunkii dilka ahaa ee Puntland ku fulisay dhalinyaro lagu helay falal argagixiso

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan taageeridda Carruurta ee UNICEF ayaa ka hortimid dilkii afar dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ay Puntland ku toogatay magaalada Gaalkacyo, ka dib markii Maxkamad Ciidan ku xukuntay in ay ka mid ahaayeen kooxda Alshabaab.

Hay’adda UNICEF waxa ay sheegtey in Puntland ay jebisey xeerarka ilaalinta carruurta oo ay xukunno dil ah ku fulisay carruur aan gaarin oo da’doodu ka yar tahay 18 jir islamarkaana u adeegsatay Maxkamad Ciidan, taasi oo hay’addu ku tilmaantay arrin qaldan.

“Carruurta xiriirka la leh kooxaha hubeysan waa in loo arkaa dhibanayaal u baahan ilaalin iyo dib u dhaqan-celin waana in la ilaaliyaa xuquudooda lana jabin shuruucda caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay UNICEF

Dilka toogashada ah ee Puntland fulisay ayaa yimi ka dib markii dhawaan ay xabsi ku yaalla Gaalkacyo ka baxsadeen rag eedaysanayaal oo loo haysto Shabaab taasi oo keentay in dil toogasho ah lagu fuliyo 10 xubnood oo kale.

Xafiiska difaacaha Xuquuqda Insaanka Puntland ayaa horay uga digay xukuumadda Puntland ay xukunnada dilka ah ku fuliso carruurta aan weli qaan-gaarin ee xiriirka la leh kooxaha hubaysan.

PUNTLAND POST