
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waraaqaha aqqoonsiga ka aqbashay dublamaasi ay Taliban u magacowday in uu noqdo safiirka Afghanistan ee dalkaasi Imaaraatiga.
Sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aqbalidda waraaqaha aqqoonsiga danjirenimo ee safiirka Afghanistan ay dib u xaqiijinayso go’aanka ay dowladda Imaaraadku ee kaalmeynta Afgaanistaan oo ay ku jirto, oo ay ku jirto mashaariicda horumarinta iyo kuwa dib u dhiska.
Sarkaalku ma sheegin in Imaaraatka Carabta oo ka mid ahaa saddex waddan oo aqqoonsaday dawladdii Taliban ee Afghanistan maamuleysay 1996-2001, ay hadda Taliban u aqqoonsatay dawladda rasmiga ah ee Afgaanistaan.
Diblomaasiyiinta Daalibaan ayaa ilaa sanadkii hore maamulayay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai, sida ay dublamaasiyiinta shisheeye ku warrameen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.