
Ciidamada Amniga Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay hawlgal ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Hawlgalka ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo xasilloonida, islamarkaana looga jawaabayo cabashada dadweynaha gobolka ee la gudbiyay inta uu Gaalkacyo ku sugnaa Madaxweynaha Puntland.
Howlgalkaasi ciidanka Amniga ayaa soo dhaweyn ka helay bulshada Gaalkacyo sababa la xiriira hab-dhaqanka iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay bulshada la leeyihiin ciidanka ka qeybqaadanaya howlgalka xasillinta amniga magaalada Gaalkacyo.
Inta uu howlgalka socdo ciidanka ayaa lagu arkaya waddooyinka iyo xaafadaha, kuwaaso baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxaa mar horaba lagu sheegay howlgalkan in ay hoos u dhaceen falalkii amniga lidiga ku ahaa, hubkii magaalada lala dhex mari jiray, xabbadihii iska dhici jiray iyo dhaca tuugada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.