
Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa xalay si rasmi ah u aqbalay magcaabista xisbigiisa ee jagada madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.
Tim Walz oo hadal ka jeediyey shirweynaha xisbigiisa ee ka socda magaalada Chicago ayaa u mahadceliyey ergadii ka soo qaybgashay shirkaasi wuxuuna ku tilmaamay in ay farxad ku soo kordhiyeen ololaha doorashada.
“Dhammaan waxaan halkan u joognaa caawa hal sabab oo qurux badan, taasoo ah inaan jecelnahay dalkan,” ayuu yiri Tim Walz isaga oo la hadlayey kumanaan ergo ah oo ruxayey calamo iyo astaamo kale oo ay taageero ugu muujinayaan.
Dad badan oo Maraykan ah ayaan weligood maqal Walz, ka hor intii aanay Kamala Harris u xulan in uu noqdo musharaxa ku xigeenka u noqonaya, hase ahaatee markii uu ololaha ku soo biirayba, wuxuu si weyn u soo jiitay taageerayaasha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.