Madaxda Sirdoonka Kenya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay dhaq dhaqaaqyo ka soo cusboonaaday xadka labada dal

Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Kenya, Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa booqasho rasmi ah  ku tegey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Agaasime Nuuradiin Xaaji ayaa halkaasi kula kulmay dhiggiisa agaasimaha sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussain waxaana la sheega in ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka wada-xaajoodeen xoojinta amniga xadka labada dal iyo sidii ay wadajir uga jawaabi lahaayeen dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaday xadka.

Xadka labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay falal amniga lid ku ah ka geysanayaan dagaalyahannada kooxda Shene ee loogu yeero ciidanka xoraynta Oromada oo ay Itoobiya horey liiska argagixisada ugu dartay.

PUNTLAND POST