Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo la wareegtay liiska xogta xubnaha ka soo baxay doorashadii saddexda degmo

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Buugga liiska xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Degaanka Degmooyinka Garowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan ee Gobolka Nugaal ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland .

Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa) ayaa Guddiga Doorashooyinka  Puntland ee (PEC)  kala wareegay buugga xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri  ayaa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC  iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Mudane Asad Axmed Xirsi kala wareegay buugga Liiska xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.

Buugaan oo ay ku dhantahay xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Nugaal ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod ayaa waxaa si rasmi ah u la wareegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo dhawan mudayn doonta jadwalka fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST