Madaxweynaha Puntland ayaa maanta Nairobi kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu magaalada Nairobi Kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulankaasi looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan Horumarka ka socda Puntland.
Arrimaha Puntland waxa Kulanka looga hadlay “dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.