Inta badan xarumaha ganacsiga Boosaaso ayaa saaka maalintii labaad xiran waxaana ganacsatadu ka cabanayaan canshuur kordhin ay ku samaysay wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kordhin ku samaysay canshuurta macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga.
Mid kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in wasaaraddu kordhin ku samaysay canshuurta macaashmaashka oo bishii joogta looga qaadi jiray $19 haddana loo sheegay in ay bixiyaan lacag dhan $59 doollar taasi oo farqiga u dhexeeya uu yahay $40 dollar .
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey in ay lacagta bixiyaan oo ay xarumaha furaan haday taas sameyn waayaan xabsiyada la dhigayo waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.