Xarumaha ganacsiga Boosaaso oo maanta u xiran Canshuur kordhin Puntland samaysay

Waxaa maanta albaabada laysugu laabay xarumaha ganacsi ee Boosaaso oo ay canshuur kordhin ku sameysay Wasaaradda maaliyadda Puntland sidaan kasoo xiganay gamacsatada leh goobaha ganacsi ee xiran.

Ganacsade kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey kororka ku yimi canshuurta macaashmaashta oo bishii joogta looga qaadi jiray $19 hadana la yiri bixi lacag dhan $59 doollar farqiga u dhaxeeyana yahay $40 dollar .

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey inay lacagta bixiyaan xarumahana furaan haday taas sameyn waayaan xabsiyada la dhigayo, waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada qaar kamid ah oo aan la hadalnay.

PUNTLAND POST