Puntland oo hay’adaha UNICEF iyo UNDP kala hadashay Hirgelinta Mashruuca Dowlad-kaab

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Shir kula qaatay Saraakiil ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee UNDP iyo UNICEF.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay arrimo farsamo oo la xiriira sidii loo hirgelin lahaa Mashruuca Dowladda-Kaab oo dhowaan ka bilaabmaya Puntland.

“Shirka ayaa looga hadlay arrimo farsamo oo la xiriira sidii loo hirgelin lahaa Mashruuca Dowladda-Kaab oo dhowaan bilaabmaya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka uu soo saaray Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

“Mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo Hay’adaha UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT ayaa xoojinaya maamul daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST