
Hay’adda socdaalka Jarmalka iyo dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa isku khilaafsan sida laga yeelayo nin Soomaali ah oo dil fool-xun ka geystay Jarmalka.
Wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa laga soo xigtay in hay’adda socdaalka Jarmalka iyo dacwad oogayaasha dalkaasi isku khilaafsan yihiin sida laga yeelayo kiiska ninkaasi.
Mursal Maxamed Siciid oo 24 jir ah ayaa bishii July ee sannadkii 2021 nin ay isla degganaayeen xero magangalyo doonka lagu hayo oo magaciisa lagu soo gaabiyay Alex K, wuxuu ka soo ridday mindhicirka isagoo nool waxaana la sheegay in uu 111 jeer galiyay middi ka hor intii uusan madaxa ka jarin.
Markii la xiray wuxuu u sheegay dambi baareyaasha inuu iska dhaadhiciyey in ninka ay guriga isla deganaayeen ay ku jireen laba jin oo ay ahayd inuu dilo.
Hadda , hay’adda socdaalka Jarmalka waxay doonaysa inay u tarxiisho Soomaaliya, balse dacwad oogayaasha ayaa aaminsan in uu ninkaasi ku soo laaban karo Jarmalka waxaana ay doonayan in xukunkiisa uu ku qaato xabsiyada Jarmalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.